Xir bogga

Habka ay hay’adda ilaalinta carruurtu uga shaqayso kiisaska

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa waxa dhaca laga bilaabo marka qof diro farriin walaac ah, ilaa hay’adda ilaalinta carruurtu eegto caawimada ilmaha ama qoyska la siin karo.

Qof weyn ayaa hor jilbo jabsaday ilmo dhoollacaddaynaya. Waxay joogaan jikada.

Sida kiisku ku bilaaban karo

Carruurta iyo waalidku iyaguba way wici karaan hay’adda ilaalinta carruurta si ay caawimo u codsadaan. Haddii ilmo caawimo codsado, hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay bilowdaa baaritaan. Sidaas oo kale ayay tahay haddii waalidku caawimo codsadaan.
Gabar ayaa ku fadhida leexo/wiifow  taalla xannaanada carruurta, waxayna u muuqataa inay murugaysan tahay.
Qof kasta oo u malaynaya in ilmo dhibaatoonayo, wuxuu hay’adda ilaalinta carruurta u diri karaa
Sharcigu wuxuu dhigayaa in hay’adda ilaalinta carruurta loo sheego, dadkuna badanaa waxay u yaqaanaan in farriin walaac ah la diro. Waxaad daawan kartaa filimka «Maxaa dhaca marka hay’adda ilaalinta carruurtu hesho farriin walaac ah?».
. Dadka waaweyn ee shaqadoodu la xiriirto carruur waa inay diraan farriin walaac ah marka ay u malaynayaan in ilmo dhibaatoonayo.
Gabar ayaa fadhida kursi. Waxay salaaxaysaa eey agteeda jooga. Waxay eegaysaa taleefankeeda iyadoo muusig dhegeysanaysa.
Haddii ay degdeg u tahay oo loo baahan yahay in ilmaha la badbaadiyo, waa inay hay’adda ilaalinta carruurtu markiiba wax qabataa. Markaasna waa inay bilowdaa baaritaan. Haddii ilmuhu uusan u baahnayn in markiiba la badbaadiyo, hay’adda ilaalinta carruurtu waxay haysataa toddoba maalmood si ay u go’aamiso inay baaritaan bilaabayso iyo in kale.
Qof weyn iyo dhallinyaro ayaa fadhiya miis, iyagoo is garab fadhiya. Waxay u muuqdaan inay ku jiraan qol kulan lagu qabto.

Baaritaanka hay’adda ilaalinta carruurtu

Haddii hay’adda ilaalinta carruurtu bilowdo baaritaan, waxay u samaynaysaa si ay u ogaato in ilmuhu u baahan yahay caawimo ama in la ilaaliyo. Waxaa sidoo kale caawimo u baahan kara dad kale oo qoyska ka tirsan.
Qof ayaa dhex taagan qol, gadaashiisana waxaa ku yaal ubax. Waxay u muuqataa in qofku hadlayo.
Inta baaritaanku socdo, hay’adda ilaalinta carruurtu waxay la xiriirtaa dad waaweyn oo sheegi kara sida ilmuhu yahay. Tusaale ahaan, dad ka shaqeeya iskuulka ama tababare ilmuhu marar badan la kulmo. Ilmuhu sidoo kale wuu sheegi karaa dadka waaweyn ee uu u arko in hay’adda ilaalinta carruurtu la hadli karto.
Buug jadwal ah oo kala furan ayaa miis saaran. Waa la arki karaa taariikho, waxaana ku qoran 20 iyo 21. Taariikhda 21 waxaa lagu qoray in baaritaanku dhammaaday, waxaana lagu wareejiyay goobo. Qalin ayaa buugga dushiisa yaal.
Hay’adda ilaalinta carruurtu waxay sidoo kale la hadashaa carruurta iyo qoyska oo kala hadashaa caawimada ay u malaynayaan inay iyaga u wacan tahay. Carruurtu mar walba waxay xaq u leeyihiin inay sheegaan fikirka ay qabaan, hay’adda ilaalinta carruurtuna waa inay dhegeysataa. Laakiin mararka qaarkood arrintu uma dhacdo sida ilmuhu rabo, laakiin markaas oo kale waa in ilmaha loo sheego sababta.
Hay’adda ilaalinta carruurtu waxay qiyaastii haysataa saddex bilood oo ay ku isticmaalayso baaritaanka kiiska.
Boor ayaa gidaar ku dheggan. Waxaa ku qoran: “Waxqabad waa caawimo!”

Caawimada ilmaha iyo qoyska la siin karo

Caawimada hay’adda ilaalinta carruurtu bixiso waxaa loo yaqaanaa waxqabad, taas oo macnaheedu yahay caawimo la qorsheeyay. Badanaa waxay ku saabsan tahay in laga wada hadlo sida xaalada gurigu u fiicnaan karto iyo sida qoysku si wadajir ah u xallin karo dhibaatada.
Caawimada la bixin karo waxaa ka mid ah:
  • In waalidku helaan caawimo si ay is beddel u sameeyaan, si xaalada ilmaha ee gurigu u fiicnaato
  • In qoysku la hadlo qof ka shaqeeya caawinta qoysaska
  • In ilmuhu qof kala hadlo waxyaabaha adag iyo waxyaabaha fiican.
  • In ilmuhu helo qof taageero u ah, qof ka caawiya nolol-maalmeedka ama qoys uu booqan karo
Gabar ayaa kursi ku fadhida oo kamaradda eegaysa. Waxay leedahay: “Laakiin waxaan u malaynayaa in…”
Hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay la hadashaa ilmaha si ay hesho caawimada saxda ah. Ilmo ahaan, mar walba waxaad xaq u leedahay inaad sheegto fikirkaaga, hay’adda ilaalinta carruurtuna waa inay ku dhegeysataa. Tusaale ahaan, ilmuhu wuxuu ka qayb qaadan karaa go’aaminta inta jeer ee uu la kulmayo qof taageero u ah.
Waxa ilmuhu ka qayb qaadan karo go’aamintiisa waxay tusaale ahaan ku xiran tahay nooca caawimadu tahay.
Qof weyn ayaa hor  jilbo jabsaday ilmo  u muuqda inuu murugaysan yahay. Waxay taagan yihiin albaab hortiis, boorsada wiilkuna agtooda ayay taallaa.
Mararka qaarkood carruurta iyo dhallinyaradu waa inay ku noolaadaan meel aan gurigooda ahayn, si ay u helaan ilaalin ama caawimo, laakiin taas inta badan ma loo baahna. Taas waxaa loo yaqaanaa in ilmaha meel kale la dejiyo, ama inuu
Markaad guurto, waxaad ku noolaanaysaa guri ku meel gaar ah oo ilmaha lagu daryeelo, guri qoys kale oo ilmaha lagu daryeelo, ama xarun carruur lagu daryeelo. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa muhiimka ah in la ogaado markaad guriga ka guurto
. Inkastoo waalidku ilmaha jecel yihiin, haddana mararka qaar ma awoodaan inay ilmaha daryeelaan.
Gabar ayaa kursi ku fadhida oo si toos ah u eegaysa kamaradda. Waxay leedahay: “Ma ogi”
Haddii ilmuhu ka yar yahay 15 sano, waa inay waalidku oggolaadaan caawimada ikhtiyaariga ah. Haddii ilmuhu ka weyn yahay 15 sano, waa inay ilmaha iyo waalidkuba oggolaadaan caawimada ikhtiyaariga ah.
 
Gabar ayaa taagan iskuul bannaankiisa, waxayna farriin ku qoraysaa taleefankeeda iyadoo muusig dhegeysanaysa.

Mas’uuliyadda saaran hay’adda ilaalinta carruurta marka lagu caawinayo

Marka carruurtu caawimo ka helaan hay’adda ilaalinta carruurta, waa in hay’addu la socotaa sida caawimadu u shaqaynayso. Ilmuhuna wuu la hadli karaa qofka qaabilsan haddii uu su’aalo qabo ama uu rabo inuu wax u sheego.
Waxa aad rabto waa muhiim!
Marka hay’adda ilaalinta carruurtu (barnevernet) ay la xiriirto ilmo, waa inay mar walba isku daydaa inay sameyso waxa ilmaha u fiican. Ilmo ahaan, waxaad mar walba xaq u leedahay inaad sheegto waxa aad ka fikirayso oo aad su’aalo weydiiso.