
Yaa caawimo ka heli kara hay’adda ilaalinta carruurta?
Haddii adiga ama qof aad taqaan guriga ku dhibaatoonayo, waxaad la xiriiri kartaa .
Waxaa jira carruur badan oo u baahan inay caawimo ka helaan hay’adda ilaalinta carruurta. Sababaha waxaa ka mid noqon kara:
- Waalidka oo ay ku adkaato inay daryeelaan ilmaha: Sababtu waxay noqon kartaa iyaga qudhoodu ay dhibaato qabaan, ay xanuunsan yihiin, aad u murmaan, ay cabbaan khamri ama isticmaalaan daroogo.
- Ilmaha ama qof kale oo qoyska ka tirsan ayaa la garaacaa, ama waxaa loogu hanjabaa in la garaaci doono. Taasi sharci ma aha, taas darteedna ilmuhu wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo sidii garaacista loo joojin lahaa.
- Ilmaha waxaa loo geystaa xadgudub galmo. Taasi sharci ma aha, taas darteedna ilmuhu wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo sidii arrintaas loo joojin lahaa.
- Waalidka oo ilmahooda inta badan ku yiraahda hadallo xunxun, markaasna ilmuhu dareemo inuu xun yahay. Tan waxaa loo yaqaanaa xadgudub maskaxeed, waana sharci darro. Markaas ilmuhu wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo sidii arrintaas loo joojin lahaa.
- Ilmaha oo sameeya waxyaabo aan laftirkiisa ama dadka kale u fiicnayn. Tusaale ahaan, inuu naftiisa dhaawac gaarsiiyo, xanaaq badan yahay ama murugaysan yahay.
- Ilmaha oo sameeya waxyaabo sharci darro ah, tusaale ahaan inuu wax xado, rabshad sameeyo ama daroogo iibiyo.
- Ilmuhu wuxuu dareemi karaa cadaalad-darro : Waxaa laga yaabaa inaan loo oggolayn inuu jeclaado qofka uu rabo, ama inuu dareemo in lagu cadaadinayo inuu sameeyo waxyaabo uusan rabin. Sidoo kale, wuxuu dareemi karaa in qoyskiisu u hanjabayo.
Kuwani waa tusaalooyin keliya, oo waxaa jiri kara sababo kale oo qofku caawimo ugu baahan karo.

Caawimo noocee ah ayaa la heli karaa?
Inta badan waxa dhaca waa in qoysku la hadlo qof ka tirsan hay’adda ilaalinta carruurta. Qofkan, oo ah qofka qoyska u qaabilsan, wuxuu dhegeystaa qoyska, wuxuuna talo ka bixiyaa waxa la samayn karo si xaalada qoysku u fiicnaato.

Mararka qaarkood waalidku waxay u baahan yihiin in iyaga la caawimo si qoyska oo dhan u fiicnaado. Tusaale ahaan, waxaa laga caawin karaa in ay joojiyaan cabitaanka khamriga, ama sida lacagta loogu isticmaalo waxyaabaha ugu muhiimsan.
Haddii guriga muran badan ka jiro, waa laga caawin karaa taasna. Haddii waalidku xanuunsan yihiin, waxa ilmaha ku imanaysa xaalad adag. Markaas oo kale hay’adda ilaalinta carruurtu waxay waalidka ka caawin kartaa inay fahmaan waxa ilmuhu u baahan yahay iyo halka ay caawimo ka heli karaan.

Ilmuhu sidoo kale wuxuu heli karaa caawimo si xaaladdiisu u fiicnaato, ama si uu u joojiyo waxyaabo khatar ah ama sharci darro ah. Tusaale ahaan, ilmuhu wuxuu la hadli karaa qof ka tirsan hay’adda ilaalinta carruurta, wuxuuna heli karaa .
Carruurta qaarkood waxaa u fiicnaan kartaa in ay muddo meel kale ku noolaadaan. Markaas ilmuhu wuxuu u guuri karaa guri qoys kale oo ilmaha lagu daryeelo ama xarun carruur lagu daryeelo.
Marka ilmuhu guuro, waalidku waxay u baahan yihiin taageero iyo caawimo si xaaladdoodu u fiicnaato. Haddii xaaladdoodu in ku filan soo fiicnaato, ilmuhu guriga ayuu dib ugu laaban karaa.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka guurista guriga.

Miyaan la xiriiraa hay’adda ilaalinta carruurta?
La hadal qof weyn oo aad ku kalsoon tahay, markaas ayaad ka hadli kartaan in aad u baahan tihiin inaad la xiriirtaan hay’adda ilaalinta carruurta. Waxaad sidoo kale wici kartaa telefoonka degdegga 116 111, ama waxaad internetka kula sheekeysan kartaa telefoonka degdegga ah bogga ww.116111.no.
Telefoonka degdegga ah wuxuu furan yahay habeen iyo maalin.

Waxaad sidoo kale la hadli kartaa qof weyn oo jooga iskuulka ama naadiga dhallinyarada. Markaas waa inaad ogaataa in haddii aad ka yar tahay 18 sano, qofka weyn ee aad la hadlayso waa inuu, walaac ah u diro hay’adda ilaalinta carruurta oo u sheego walaaciisa haddii uu u maleeyo inaadan fiicnayn. Taasi waxay ku qoran tahay sharciga Norway.

Mar walba waad la xiriiri kartaa hay’adda ilaalinta carruurta si aad su’aalo u weydiiso ama caawimo u codsato. Marka hore uma baahnid .
Haddii adiga ama qoyskaagu hay’adda ilaalinta carruurta, waa inay hay’adda ilaalinta carruurtu bilowdaa baaritaan si ay u ogaato inay adiga iyo qoyskaaga idin caawin karto.

Adiga laftaadu waad la xiriiri kartaa hay’adda ilaalinta carruurta. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa adigoo la socda waalidkaa ama qof kale oo aad ku kalsoon tahay.
Mar walba ma sahlana in la ogaado sida loola xiriiri karo hay’adda ilaalinta carruurta. Wac lambarka xaafadda ama degmada aad deggan tahay, oo codso inaad la hadasho hay’adda ilaalinta carruurta. Waxaad sidoo kale hay’adda ilaalinta carruurta ka raadin kartaa bogga internetka ee xaafaddaada ama degmadaada. Ama waxaad caawimo weydiisan kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Mar walba waxaad wici kartaa telefoonka degdegga ah ee carruurta iyo dhallinyarada 116111.

Hay’adda ilaalinta carruurtu ma la xiriiraysaa waalidka?
Haddii aad ka yar tahay 18 sano, hay’adda ilaalinta carruurtu badanaa waa inay waalidkaa ama dadka mas’uulka kaa ah u sheegtaa inaad wada hadasheen iyo waxa aad ka wada hadasheen. Haddii aad ka baqayso waxa dhici kara haddii ay la hadlaan waalidkaa, waa muhiim inaad arrintaas u sheegto hay’adda ilaalinta carruurta. Haddii arrintu culus tahay, hay’adda ilaalinta carruurtu siyaabo kala duwan ayay kuu ilaalin kartaa.

Haddii aad ka weyn tahay 18 sano, waalidkaa ma ogaanayaan inaad la hadlashid hay’adda ilaalinta carruurta iyo waxa aad ka wada hadlaysaan, haddii aadan adigu rabin.