Xir bogga

Ku saabsan “Waa maxay hay’adda ilaalinta carruurta?”

“Waa maxay hay’adda ilaalinta carruurta?” waa bog internet oo carruurta iyo dhallinyarada uga warramaya hay’adda ilaalinta carruurta.
Boggani wuxuu ku caawinayaa haddii aad:
  • Hore ula hadashay hay’adda ilaalinta carruurta
  • Ka fikirayso inaad la hadasho hay’adda ilaalinta carruurta, sababtoo ah dhibaato guriga ka jirta, ama aad taqaanid qof kale oo guriga dhibaato ku qaba.
  • Doonayso inaad wax ka ogaato hay’adda ilaalinta carruurta
Boggan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan waxa hay’adda ilaalinta carruurtu qabato, talooyin ku saabsan la kulanka hay’adda ilaalinta carruurta, iyo caawimo loogu talagalay qofka raba inuu la xiriiro hay’adda. Bogga waxaa kale oo ku jira dhowr fiidiyow oo macluumaad laga helayo.

Alaab macluumaad oo ku saabsan “Waa maxay hay’adda ilaalinta carruurta?”

Halkan waxaad ka helaysaa boorar iyo istiikarro ay qaybisay Hay’adda Carruurta iyo Qoyska ee degmada Oslo. Haddii aad kaydisato sawirrada, waxaa sidoo kale loo diri karaa madbacad ku taalla meesha aad deggan tahay si halkaas loogu daabaco looguna qaybiyo. Halkan waxaad sidoo kale ka helaysaa fiidiyowyo carruurta la tusi karo, kuwaas oo bixinaya macluumaad ku saabsan boggan.

Boor

Sawir shaashad

Istiikar

Fiidiyow ku saabsan waxa boggan ku jira

Warbixin laga daawaday NRKSupernytt

Bayaanka fududeynta isticmaalka bogga “Waa maxay hay’adda ilaalinta carruurta?”

Linkiga bayaanka fududeynta isticmaalka bogga waxaad ka helaysaa halkan.

Xirir

ee degmada Oslo, waxaana lala sameeyay KS – ururka degmooyinka Norway. Bogga si joogto ah ayaa loo cusbooneysiin doonaa si waafaqsan nidaamyada xirfadeed.
Boggan waxaa sameysay Hay’adda Carruurta iyo Qoyska ee degmada Oslo, waxaana lala sameeyay KS – ururka degmooyinka Norway iyo Bufdir (Barne-, ungdoms- og familiedirektoratet). Bogga si joogto ah ayaa loo cusbooneysiin doonaa si waafaqsan nidaamyada xirfadeed.
Haddii aad aragto khalad, wax ka maqan, ama aad qabto su’aalo ku saabsan bogga, waxaad la xiriiri kartaa Hay’adda Carruurta iyo Qoyska: kommunikasjon@bfe.oslo.kommune.no.